Maalinta Berito ah ayaa la xaqiijiyay in ay tahay Maalinta Koowaad ee Bisha Shawaal ee cidul Fidriga islamarkaana Bisha laga arkay Magaaloyin ka mid ah Gobolada dalka Soomaaliya.
Meelaha laga arkay Bisha ayaa waxaa ka mid ah degmada Balcad oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha dhexe degamda Matabaan oo ka tirsan Gobolka Hiiraan iyo sidoo kale qeybo ka mid ah gobolka Galgaduud.
Dhanka kale Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa ku dhowaaqday inay berri ay tahay maalin ciid ah kadib markii laga arkay bisha Shawaal boqortoyada Sacudi Carabiya iyo wadamo kale oo khaliijka ka tirsan.
Maxkamada sare ee boqortoyada Sacudi Carabiya ayaa hore uga codsatay shacabka sacudi carabiya in fiiriyaan bilashada bisha Shawaal.
Dhagestayaasha iyo Akhristayaasha radiodalsan.com waxaan leenahay meel kastoo ay joogaan Ciid wanaagsan waxana ugu talo galnay Barnaamijyo kala duwan oo qarkood ay ku heli doonaan abaalmarino kala duwan.