11ka Abriil 2024
Waqtigu aad buu u dheereeyey oo way adagtahay in la rumaysto Bilan maanta waa laba jir.
Isla mar ahaantaana, way adag tahay in la rumaysto inaan wax badan ku gaadhnay waqti yar gudaheed.
Waxaan ka ku bilaawnay lix gabdhood oo ka mid ah gabdhaha saxafiyiinta Soomaaliyeed oo u halgamayay nolol iyo codkooda maqlo in aan noqonno xarun warbaahineed oo si buuxda u soo tabisa wararka Soomaalida anagoo la shaqeyneyna warbaahinta caalamiga ah sida BBC, The Guardian, Toronto Star, TRT Afrika iyo El Pais. .
Labo sano ka hor, waxaan ahaa wariye ka tirsan koox warbaahineed oo ku sugan magaalada Kismaayo ee koonfurta Soomaaliya. Maan lahayn aqoon farsamo iyo awood tifaftiran.
Maanta, waxaan sameeyaa wax kasta oo aan ka dooranayo sheekooyinka aan daboolayo, duubista, tafatirka iyo ku qorista af Soomaali iyo Ingiriisi.
Waxaan ka soo waranay COP27, waxaan tababar ka qaadanay Kooxda Warbaahinta Qaranka ee Kenya, waxaanan socdaal ku maray Soomaaliya oo dhan si aan uga sheekeeyo sheekooyin aan laga soo sheegin meelo dalka ka mid ah.
Qaar ka mid ah hay’adaha warbaahinta caalamiga ah hormuudka ka ah ayaa hadda la soo xiriiraya Bilan si ay u soo tebiyaan sheekooyin caalami ah oo ay ka mid yihiin abaarihii ba’naa ee dhawaan ku dhuftay Soomaaliya. Way nagu kalsoon yihiin, annaga ayay nagu tiirsan yihiin, wayna og yihiin, in si ka duwan wariyeyaasha ajnabiga ah aan kaga haboonahay marka ay musiibo dhacdo, aynnu naqaanno macnaha guud iyo nuxurka ay leedahay sheekooyinkeena. Waxaan gali karnaa ubucda sheekada intii aan ku tiirsanaan lahayn hay’adaha gargaarka caalamiga ah si ay noo tusaan waxa ay rabaan in aan aragno iyo labis ammaan oo aad u habeysan si ay noogu sheegaan meesha aan aadi karno iyo meelaha an aadi karin.
Sidaa darteed, marka laga soo tago warbixinta muruga leh ee daadadka ka soo rogmaday dhulka saddex qeybood ee Soomaaliya ka mid ah, wargeyska The Guardian, waxaan go’aansannay inaan sheeko gooni ah u sameyno El Pais taas oo ku saabsan xero ay ku nool yihiin barakacayaal, Naafa ah oo aan helin gargaar.
waxay ku Jireen xaalad niyad jab u eg waxa yeelay waxeey ku jireen xaro ay ka buuxsameen biyo aad u badan taas oo u ekaatahay haro.
Marka aan dooranno sheekooyinka Sheekoyiinka ugu sameynta badna ee kooxdani soo gudbisay oo ka mid yihiin sheekoyin ku saabsan cafimaadka waxbarashada deegaanka  midab takoorka tahriibka mudnaan siinta haweenka guulaha ka gaaray geediga nolooled, sameynta siyaasada dalka iyo haweenka, robaabkii Elnino ee dalka ka da’ay, Bilan waxay siisaa dada aragto ku dayasho mudan, haddii ay ahaan lahayd tusidda in gabdhaha da’da yar ay ka heli karaan xirfado guulo leh oo adag inta badane ay raggu u badan yihiin iyo inay baahiyaan sheekooyin ku saabsan dadka dhiirigaliya ku dhiiradana inay noqdaan kuwa ay rabaan inay noqdaan.
Tusaale ahaan, waxa aanu ka warbixinay gabadh yar oo injineer ah oo samaysatay shirkad dhismeed oo ay iyadu leedahay, nin dhalinyaro ah oo shaqo la’aantii iska soo saaray doonyo qurux badan iyo walxo kale oo laga sameeyay alwaaxyo iyo qof kale oo dalka dibadiisa ka soo noqday isla markasna samaystaydugsi barista.
Ma ahan mid fudud ka shaqeynta saxaafada soomaliya sababtoo ah waxaan la kulanay caqabado badan oo nafteena hasa ahaatee aaan nagu qabsin in aam sii wadi wayno shaqada, inaan la kulano nacaybka ku saabsan ka shaqeynta warbaahinta waa mid caadi ka ah dalka.
kooxdayadu waxay diirada saaraan siinta codadka kuwa aan codka lahayn. Waxaan la hadalnaa kuwa inta badan ay bulshadu ka fogaato oo ay ku jiraan agoonta, dadka qaba dhibaatooyinka caafimaadka dhimirka, haweenka qaba fistula, kuwa qalabsaday balwadaha iyo kuwa la ildaran HIV iyo AIDS. Warbixin ay BBC-da ka diyaarisay dadka la nool albinism-ka ayaa samaysay saameyn weyn oo caalami ah, iyadoo kaalmooyin ay ka heleen adduunka oo dhan.
Sheeko aan ka samaynay maamule sameysay talaabo cusub oo ay ku soo bandhigtay in la baro hablaha Yaryar we dugsigeeda waxbarashada xilliga caadada ayaa noqotay mid aad looga fal ciyo maadaama Soomaaliya ka tahay mid adag in laga wada hadlo caada ama dhiiga qaan gaarka ee dumark xitaa hooyada iyo gabdhaha dhexdooda. Doodaha ay sheekadeenu ka dhalatay ayaa qayb ka ahaa sababta aan u go’aansanay in aan bilowno bandhig-hawleed bille ah oo ugu yaraan boqolkiiba 50 kasoo. qayb gala yaashu ay yihiin haween .
Waxaan wax ka qabannay mowduucyo muran badan dhaliyay sida yaraanta macallimiinta dumarka ah, caqabadaha ay la kulmaan haweenka isku dayaya inay galaan siyaasadda iyo arimaha waxbarashada.
Qayb muhiim ah oo ka mid ah himiladeena waa inaan cod u noqono bulsha suaalaha ay qabaana waydiino hogaamiyaasha. Warbixinaheenna ka dib, mas’uuliyiinta Soomaaliya waxay sheegeen inay wax ka qaban doonaan dadka la ildaran HIV-ga, balwadda iyo in ay bilaabi doonaan waxbarashada muddada ee dugsiyada. Waanu waydiin doonaa haddii ay tallaabo qaadeen iyo haddii kale, maxaa diidaya.?
Qorshaha ugu weyn ee Bilan sanadkeeda 3-aad ayaa ah in lagu ballaariyo Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyadoo la qalabeynayo laguna tababarayo Gabdhaha Saxafiyiinta ah ee ka howlgala guud ahaan dalka si ay uga soo waramaan Gobollada dalka bilan iyo Warbaahinta Caalamka. Tani waxay gacan ka geysan doontaa in diiradda sheekooyinkeena iyo warbaahintaba laga wareejiyo caasimadda Muqdisho.
Waxaan nasiib u yeelanay in ay nala taliyaan dadka ugu sarreeya goobtooda oo aan dooneyno in aan u gudbino wixii aan ka baranay saxafiyiinta Soomaaliyeed ee dalka Waxaan sidoo kale sidaas ku sameynaa barnaamijkayaga internship oo aan qibrad shaqo ku siino gabadhaha warbaahinta ku cusub.
Magacayaga Bilan macnihiisu waa ‘iftiin iftiimaya’ taasina waa waxa aan samayno. Waxaan ka sheekeynaa sheekooyin aan horay loo sheegin, waxaan ka soo horjeednaa hababka saxaafaddu u wajaheyso Soomaaliya, saxafiyaddeenna waxay muujineysaa in dhammaan tebinta aysan ahayn in laga hadlo war xun. Waxaan sidoo kale iftiiminay in haweenka saxafiyiinta ah ay la siman yihiin ragga dhiggooda ah, isla markaana ay awood gaar ah u leeyihiin in ay galaangal u yeeshaan kana warbixiyaan kuwa inta badan ay saxaafaddu iska indho tirto.
By Kiin Hassan Fakat, wariye, Bilan Media