Hadal-qoraal ah oo ay si wadajir ah u soo saareen QM, Midowga Afrika, Midowga Europe, IGAD, Ethiopia, Talyaaniga, Sweden, Britain iyo Maraykanka ayaa lagu sheegy inay si dhow ula socdaan Shaqada Guddiga Madaxa bannan ee Xalinta Khilafaadka Doorashadda (IEDRM), iyadoo ay jiraan warar badan oo khatar leh oo dhacay muddada lagu guda-jiro Geeddi-socodka Doorashadda.
Beesha Caalamka waxay si gaar ah farta ugu fiiqeen inay dhaceen falal isugu jira Musuq, Laaluush, cabsi-gelin, Afduub, Khalkhal-gelinta Liiska Ergadda iyo in lagu guul-daraystay in loo hoggaansamo Hab-raaca Hanaanka Qoondada Kuraasta Haweenka ku leeyihiin Labada Aqal ee Barlamaanka soo socda.
Beesha Caalamka waxay ka codsadeen Guddiga Madaxa bannan ee Xalinta Khilafaadka Doorashadda (IEDRM) in Faahfaahin laga siiyo sida ay ku dhacday 24-kii Kursi ee Dib-u-eegista lagu samaynayey in lagu soo koobo 11-Kursi.
Beesha Caalamka ayaa hoosta ka xariiqdey in Guddiga Xalinta Khilaafaadka ay mas’uul ka yihiin in ay banaanka soo dhigto Xaqiiqda ku dahaaran iyo sida looga saarey kuraasta qaarkood, qaarkoodna looga diidey liiska dib ugu celinta doorashada.
Xubnaha Beesha caalamka waxaa kale oo ay xaqiijiyeen hoggaamiyaasha Madasha Qaran iyo Guddiga Xalinta Khiliifaadka in Aragtida, iyo baaxadda kala aragti duwaanshiyahooda aanan la daah-rogin, oo ay noqdaan kuwa Saldhig u noqda go’aanka gaarista natjiiada doorashada kuwa la laalay ee dib loogu noqonayo.
Dhinca kale, Beesha Caalamka waxay ku booqriyeen Madaxda Madasha Wada-tashiga Qaranka inay qbtaan Doorasho asas u ah Daah-furnaan, Isla-xisaabtan iyo Sharci.
©Radio Dalsan
Xigasho: UNSOM