QM iyo Saaxiibadda Caalamka ee Somalia ayaa ugu baaqay Hoggaamiyayaashaasi inay Khilaafkooda ku xaliyaan Wada-xaajood iyo Dib-u-heshiisiin.
Hadal-qoraal oo ay si wadajir ah magaalladda Muqdisho uga soo saareen Wakiiladda QM, Midowga Afrika, EU-da iyo Dowladda Maraykanka ayaa lagu booriyey Hoggaamiyaasha Galmudug inuu wada=xaajoodka loogu talagalay in lagu gaaro Dib-u-heshiisiin iyo falalka carqaladayn kara dadaalka Dib-u-heshiisiinta.
Beesha Caalamka waxay tilmaameen  in ay diyaar la yihiin Tas-hiilaadka dadaalka Dib-u-heshiisiinta haddii ay ay isku raacaan dhinacyadaasi.
Goobjoogayaasha ayaa rumeysan inuu Khilaafkaasi bilowday bishii Janaayo ee sannadkan, kadib, markii Cod Aqlabiyad ah lopga qaaday Madaxweynihii Galmudug, C/kariim Xuseen Guuleed oo isagu xilkaasi hayey tan iyo bishii July ee sannadkii 2015-kii.
Baaqa ka soo baxay QM, Midowga Afrika, Midowga Europe iyo Dowladda Maraykanka ayaa ku soo beegmay, iyadoo maanta la doortay Madaxweynaha cusub ee Maamulka Galmudug o oay ku taretamayaan 3 Musharax.
Waxaana ku guuleystay Axmed Ducaale Xaaf oo helay 54-cod.
©Radio Dalsan
Â