Hadal-qoraal ayey QM, Midowga Afrika iyo Midowga Europe si wadajir ah uga soo saareen magaalladda Muqdisho, kadib, markii la soo doortay Hoggaanka Barlamaanka Somalia, taasi oo gebagebo u noqotay Wejiga muhiimka ee Nidaamka Doorashadda Somalia.
Beesha Caalamka waxay sheegeen in xubnaha Barlamaanka cusub wajihi doonaan wajihi doonaan  Ajendo culus oo muhiim ah Sharci-dejinta, loona baahan yahay inay ka fogaadaan Xadgudubyadda iyo  dhaqan-xumida wax u dhimi kara Sumcadooda.
Qoraalka Beesha Caalamka waxa kaloo lagu xusay muhiimadda Qabashadda Doorashadda Madaxweynaha iyo in loo baahan yahay inay Doorashadaasi noqoto mid Hufan, Nadiif ah, laguna kalsoon karo, oo ay Dadka Soomaaliyeed iyo Beesha Calaamka ku kalsoonaan karaan Natiijadda Doorashadaasi.
Dhinaca kale, Wakiilka Khaaska ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha Somalia, Michael Keating ayaa sheegay inay Somalia marxalladan soo wajahday caqabado badan oo ay ku jiraan Abaaro, Shaqo La’aan iyo Amni-xumo.
Waxa uu tilmaamay inay  Xildhibaanadda BFS  fursad u yeelan karaan inay muujiyaan Hogagamin wacan oo dabooli karta baahida Asaasiga ee Muwaadiniinta Soomaalida, waa sida uu hadalka u yiri.
Hadalka Beesha Caalamka ayaa soo baxay, iyadoo shalay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Barlamaanka loo doortay Siyaasiga, Xildhibaan Cabdi Xaashi C/llaahi.
Beesha Caalamka waxay sheegeen inay muhiimad tahay in dib-u-eegis lagu sameeyo Dastuurka, iyadoo Barlamaanka haatan jiray awoodi waayey inay ansixiyaan iyo inay horumariyaan Sharciga cusub ee looga baahan yahay Dowlad-wanaagga.
Dhinaca kale, qoraalka Beesha Caalamka  waxay sheegeen in Barlamaanka Cuusb o oka kooban kooxo kala duwan waajib ku tahay inay Isbedel wanaagsan ku sameeyaan fursadaha loogu talagalay Haweenka, Dhallinyarada iyo Dadka looga tiro badan yahay Bulshadda iyo Siyaasadda.
Hadalka Beesha Caalamka ayaa soo baxay, iyadoo shalay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Barlamaanka loo doortay Siyaasiga, Xildhibaan Cabdi Xaashi C/llaahi.
©Rado Dalsan