Qoraal kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa waxaa looga hadlay Arrimo kala duwan oo ku aadan Doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan 2020/2021.
Qoraalka Beesha Caalamka ka soo baxay waxaa lagu xusay 11 qodob oo ay tahay in ay dhammaan wada qaataan dhinacyada siyaasadda ee dalka, waxaana Bayaankan si wadajir ah usoo saaray AMISOM, Canada, Denmark, Ethiopia, Midowga Yurub, Finland, France, Germany, IGAD, Italy, Kenya, Norway, Sweden, Switzerland, UK, QM and Mareykanka.
Sidoo kale Beesha Caalanka ayaa sheegtay in aan la aqbali karin in Madaxda dowladda Federaalka ay sameeyan muddo kororsi, isla markaana Doorashada waqtigeeda ay ka dhacdo.
Hoos ka Akhriso 11 qodob oo ay saareen Beesha Caalamka.
1- In la tixgeliyo dastuurka.
2- In la xaqiijiyo doorashada federalka lagu qabto waqtigii loo qorsheeyay oo ah dhamaadka 2020ka ama bilowga 2021da,iyadoo aysan jiri doonin wax muddo kordhin ah ha noqoto Fulinta ama Sharci dejintaâ€Golaha wasiirada iyo Baarlamaankaâ€.
3- In la xaqiijiyo in dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ay helaan wakiilo.
4- In dhammaan shacabka Soomaaliyeed ay awood u helaan inay si toos ah u soo doortaan wakiiladooda iyadoo doorashaduna noqonayso “qof iyo codâ€.
5- In door ku yeeshaan xisbiyada siyaasada doorashooyinka.
6-In la damaanad qaado ugu yaraan boqolkiiba soddon wakiilo u taagan haweenka.
7-In la suurtogeliyo in dhammaan laga qeybgalo sida dadka gudaha ku barakacay.â€IDPSâ€.
8- Dhammaan dhinacyada siyaasada ay wada taageeraan kana qeyb ahaadaan.
9-In la awoodo suurtogelinta hufnaan iyo ammaanba, si loo soo jiito dhaqaale ku filan.
10- Natiijada soo baxda ay noqotaa mid lagu doorto hogaamiyeyaal sharciyad haystaa.
11 – Oo Ilaalinaya muddo xileedka Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka.