Beesha Caalamka ayaa Caawa War kasoo saartay xaaladihii ugu dambeeyay ee Arrimaha Doorashada dowlad Goboleedka Galmudug ee ka socda Magaalada Dhuusamareeb.
War-saxaafadeed kasoo baxay Beesha Caalanka ayaa waxaa lagu sheegay inay ka walaacsan yihiin Doorashada Galmudug iyo Khilaafka siyaasadeed ee maalmihii lasoo dhaafay halkaas kasoo cusboonaaday.
Sidoo kale Qoraalka kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa waxaa baaq loogu diray dhinacyada isku haaya Doorashada Galmudug, isla markaana waxaa laga dalbaday inay diiradda saaraan baahida loo qabo in la dhiso Galmudug loo dhan yahay.
Waxaa kaloo Beesha Caalamka ay sheegtay in loo baahan yahay in Doorashada Galmudug ay ka wada qeyb qaatan dhamaan dhinacyada ay quseyso ayna ka fogaadaan halista xasilooni darro iyo dagaal.
Si kastaba Doorashada Madaxweynaha Galmudug oo haatan qorshaheedu uu ka socdo Dhuusamareeb ayaa waxaa ka taagan Khilaaf siyaasadeed, kaasi oo u dhexeeysa dowladda, Ahlusunna Waljamaaca iyo qaar kamid ah Musharaxiinta u taagan xilka Galmudug.