Guddoomiye-ku-Xigeenka Barlamaanka Uganda, Jacob Oulanyah waxa uu shalay ka hor joogsaday Xildhibaan iyo Mas’uul ka tirsan Wasaaradda Difaaca ee dalkaasi inay miiska soo saaraan Liiska Magacyadda Askartii UPDF ee bishan 1-dii lagu dilay Weerarkii ay Alshabaab ku qaadeen Saldhig ay Ciiddanka AMISOM ku leeyihiin Degaanka Buulo-mareer ee Gobalka Sh/hoose.
Jacob Oulanyah waxa uu tilmaamay inay sii kordhayso Dareenka dadka Reer Uganda ee ku aadan Askartii lagu dilay Somalia, wuxuuna xusay inay Madaxweyne Museveni iyo Afhayenka Ciiddanka Uganda, Richard Karemire bixiyeen tirooyin kala duwan oo ku aadan Askartii looga dilay Buulo-mareer.
Guddoomiye-ku-Xigeenka Barlamaanka Uganda, Jacob Oulanyah waxa uu ugu baaqay Dowladda Uganda inay soo gudbiyaan Qorshahooda ku aadan sidii Ciiddaanka Uganda looga soo saari lahaa Somalia.
Dhinaca kale, Wasiirka Difaaca ee Uganda, Adolf Mwesige oo kqa hadlay Fadhigii shalay ee Xildhibaanadda Barlamaanka Uganda waxa uu sheegay inay Golaha Ammaanka ee QM iyo Hay’addo kale kala hadleen qorshaha Ciiddanka Uganda looga soo saarayo Hawlgalka AMISOM.
Waxa uu intaasi ku daray inay QM isu af-garteen inay Ciiddanka UPDF sii joogaan Somalia tan iyo inta ay Cabsida Alshabaab taagan tahay, waa sida uu hadalka u dhigay.
Dhinaca kale, Wargeyska OBSERVER ee ka soo baxa magaalladda Kampala ayaa qoray inay arkeen Liiska Askarta Uganda ee lagu dilay ama lagu dhaawacay dagaalkii bishan April 1-dii ka dhacay Deegaanka Buulo-mareer ee Gobalka Sh/hoose.