Guddiga Barlamaanka Kenya ugu qaabilsan Arrimaha Xuquuqda Aadanaha ayaa gaashaanka ku dhuftay hadalkii Madaxweyne-ku-xigeenka dalkaasi, William Rutto oo amar ku bixiyey in muddo saddex bilood ah lagu xero Xeradda Dhadhaaab.
Guddigaasi oo ka kooban 5 Xildhibaan ayaa sheegay inuusan amarkaasi waafaqsanayn Dastuurka Kenya, isla markaana uu ka horimanaayo Heshiisyadda Caalamiga oo ay Kenya wax ka saxiixday.
Mudanayaashaasi oo shir Jaraa’id ku qabtay magaalladda Mombasa waxay si mideysan u sheegeen inay sharci-darro tahay in la xiro Xeradda Dhadhaab iyo in Qaxootiga Soomaalida laga saaro Xeradaasi.
Guddiga Xuquuqda Aadanaha ee Barlamaanka Kenya waxay kaloo taageereen dadaalka Dolwadda Kenya ee lagula dagaalamayo Kooxaha loogu yeero Argagixisadda iyo Ammaan-xumida.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha Gobalka Mombasa, Ali Hassan Joho ayaa isagana mucaaraday qorshaha lagu xirayo Xeradda Qaxootiga ee Dhadhabaab, oo ay ku nool yihiin in ka badan 500,000 oo qaxooti.