Guddoomiyaha Barlamaanka ee dalka Kuwayt, Marsuuq Cali Alqaniim waxa uu maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi Xildhibaano ka socda Barlamaanka Federalka Somalia, kuwaasi oo haatan booqasho hawleed ku jooga caasimadda dalkaasi ee Kuwayt City.
Wakaalladda Wararka KUNA oo aan Warkan ka soo xiganay ayaa shaacisay inuu Guddoomiyaha Barlamaanka ee dalka Kuwayt kulan la yeeshay Madaxa Guddiga Arrimaha Dibedda ee Barlamaanka Federalka Somalia, Prof. Maxamaed Cumar Dalxa iyo Xildhibaano uu horkacayey.
Labada dhinac waxay Kulankooda ku lafagureen Xaalladaha Siyaasad, Amni iyo Bulsho ee Somalia iyo sidii loo xoojin lahaa Wada-shaqaynta Labada Barlamaan.
Waxay kaloo ka wada hadleen Danaha Guud ee Labada Waddan, Arrimaha Gobalka Geeska Afrika iyo guud ahaan Caalamka.
Dowladda Kuwayt waxay safka hore kaga jirtaa Dowladaha Carbeed ee taageeradda ugu badan la garab taagan Dowladda Federalka ee Somalia, waxayna Dowladda Kuwayt qabanqaabinaysaa Shirweyne lagu taakuleynayo Nidaamka Waxbarashadda ee Somalia.
Xigasho: KUNA
©Radio Dalsan