Caawa Fiidkii ayaa waxaa Bambooyin lagu weeraray Bar-koontorool oo Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ku leeyihiin Buundada labaad ee degmada Xamarjajab ee gobolka Banaadir.
Goobjoogayaal ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in weerarka bambaano kadib Ciidamadu ay rideen rasaas dhowr ah balse aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay rasaastas iyo waliba khasaaraha Ciidamada ka soo gaartay bambaanooyinkaas.
Sidoo kale Ciidamada ayaa sameeyay howlgal ay ku qabqabtay dhalinyaro dhowr ah oo Goobta ku sugneyd,iyaga oo sidoo kale xiray Wadada kuwaas oo Gaadiidka u diidaya in ay maraan maadama Bambaanooyin Caawa lagu weeraray Bartooda koontorool.
Dhinaca kale weli Maamulka degmada Xamar Jajab kama hadlin balse xiriir aan la sameynay kama jawabin taleefoonadeena.