Warar hoose oo soo baxaya aya ku warramaya in maalininmada berri ah la qorsheynayo in Magaalada Muqdisho ay ka dhacaan Bannaanbaxyo waa weyn, oo ay dhigayaan dadka ku nool caasimadda.
Warar hoose oo aan helnay ayaa sheegaya in Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ay diyaarinayaan Bannaanbax ballaaran oo ka dhici doona Caasiamdda dalka ee muqdisho, iyadoo hadda ay socdaan abaabul xooggan oo dadka lagu war-galinayo in berri ay bannaanbaxa ka qayb qaataan.
Walow aysan jirin war si rasmi ah uga soo baxay Musharaxiinta mucaaradka ah, haddana waxaa jirta hadal hayn weyn oo ku aaddan in laga yaabo in ay dhacan bannaanbaxyadaasi lagu taageerayo Mushariixiinta mucaaradka ah, waxaana wararku intaas ku darayaan in bannanbaxa lagu muujin doono, sida shacabku u diidan yihiin Dowladda uu hoggaamiyo Maxamed Cabdullaahi Maxmed Farmaajo.
Sidoo kale waxaa jira warar sheegaya in dowladda Soomaaliya ay billawday tallaabooyin lagu baajinayo Bannaanbaxa, waxaana ay Ciidamo ku diyaarisay goobaha ay si leedahay waxaa laga qorsheyn karaa bannaanbaxyo.