Bangiga Horumarinta Afrika (The African Development Bank) ayaa qalinka ku duugay Heshiis uu ku xaqiijiyey inuu 78Â million ugu deeqayo Dowladda Federalka Somalia iyo tan South Sudan, taasi oo lagu taageerayo sidii wax looga qaban lahaa Macluusha iyo Abaaraha ka jira Labadaasi dal.
Hadal ka soo baxay Bangiga Horumarinta Afrika (A.D.B) ayaa lagu sheegay in Somalia la siinayo lacag dhan 33.8 million oo Dollar oo ay ka faa’ideysan doonaan 803,000 oo qof oo ku dhibaataysan gudaha dalka Somalia.
Dowladda South Sudan ayaa iyadana la siinayaa lacag dhan 43.8 million oo Dollar oo lagu taageerayo 300,000 oo qof oo ku macluulsan dalkaasi.
“Muhiimadda waxaa la siin doonaa sidii loo taageeri lahaa dad da’da ah, Haweenka, Carruurta iyo dadka naafadda ah†ayaa lagu yiri War-saxaafdeedka ka soo baxay Bangiga Horumarinta Afrika (A,D.B.).
Kharajkaasi waxaa la sheegay in loo adeegsan doono sidii Gurmad Cunto iyo Taageero Daawooyin loo gaarsiin lahaa dadka u baahan ee ku nool Somalai iyo South Sudan.
Heshiiskaasi waxaa si wadajir ah u saxiixay Bangiga Horumainta Afrika, DFS, Dowladda South Sudan iyo Urur-gobaleedka IGAD, waxaana jira Guddi la socon doona qaabka loo isticmaalayo Lacagaha loogu deeqay labadaasi dal.
Dhinaca kale, Bangiga A.D.B. waxa uu  qorsheeyey inuu 1.1 Billion oo Dollar ku maalgeliyo dadaalka lagu taageerayo dalalka ay waxyeelladu ka soo gaartay Abaaraha.