Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya ayaa waxaa hada socda banaanbaxyo waaweyn oo ay dhigayaan qaar kamid ah Ardayda waxka barata Iskuulada ku yaalla Muqdisho.
Ardaydan ayaa ah kuwa sanad dugsiyeedkan dhameeystay dugsiyada sare ee dalka,isla markaana uu u socday imtixaankii shahaadiga ahaa oo ay qaadeysay dowladda,kaasi oo xalay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre uu ku dhawaaqay in gabi ahaanba la joojiyay Imtixaankaas oo maalmahan ay Wasaaradda ka qaadaysay ardayda dugsiyada sare ee dalka.
Meelaha sida gaarka ah uu Banaanbaxa uga socdo ayaa waxaa ka mid ah Taalada Daljirka daahsoon ee degmada Boondheere,qeybo kamid ah Wadada Maka Al-mukarama iyo Wadada sodonka ee Magalaad Muqdisho.
Ardayda ayaa ka cabanaya Go’aankii uu Wasiir Goodax barre uu ku joojiyay kuna baabi’iyay Imtixaankii Shahaadiga ahaa ee u socday muddo saddex maalin ah una harsaneyd laba maalin oo qura.
Wasiirka ayaa tilmaamay in wixii shalay ka dambeeyay la joojiyay imtixaankii socday, isla markaana la baabi’iyay dhamaan maadooyinkii ay ardayda saddexda maalin ee la soo dhaafay galeen.
Cabdullaahi Goodax Barre ayaa hoosta ka xariiqay in timxaanka 27-ka bishan May dib loo qaadi doono.