Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa waxaa ka dhaca Banaanax ballaarna oo ay dhigayaan qaar kamid ah dadka deegaanka Magaaladaaas, sida aan wararka ku helnay.
Boqolaal dadweyne oo isugu jira dhalinyaro, Haween iyo Caruur ayaa banaanbaxaas xiligaan ka wada bartamaha Magaalada Garoowe, iyagoona uga soo horjeeda Sicir barar xoogan oo ka jira halkaas.
Sidoo kale dadka dhigaaya banaanbaxa ayaa siweyn uga horjeeda qaar kamid ah Ganacsata oo diiday Lacagta Shiling-ka Soomaaliga ah, isla markaana sheegay inuu jiro Sicir barar darran.
Qaar kamid ah banaanbaxayaasha ayaa xirtay waddooyin muhiim ah oo ku yaalla Caasimadda Puntland, kuna xiray biro iyo dhagxaan, iyagoona mararka qaarkood gubaya taayaro waaweyn.
Lacagta Shilingka Soomaaliga ah ayaan shaqeyneyn Garoowe, waxaana aan waxba ka hirgalin dhamman amaradii Puntland soo rogtay, iyadoo la diiday qaadashada Lacagta Soomaaliga ah oo hadda caqabad weyn ka taagan tahay gudaha Puntland.
Magaalada Boosaaso iyo Magaalooyin kale ayaa waxaa horey uga dhacay banaanbaxyo looga horjeedo Sicir barar oo ka jiray halkaas, sidoo kalena waxaa xusid mudan in Suuqyada qaarkood ay xirnaayeen maalmo, kadibna dib loo furay.