Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa Maanta waxaa ka dhacay Banaanbax looga soo horjeedo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor.
Dadweyne farabadan oo isugu jiray Haween, Caruur, dhalinyaro iyo Odayaal ayaa isugu soo baxay bartamaha Caabudwaaq, iyagoona ahaa kuwo aad u careysan kana soo horjeeday Madaxweyne Qoorqoor.
Sidoo kale Banaanbaxayaasha ayaa gubayay Sawirka Madaxweynaha Galmudug iyo Taayaro waaweyn, iyagoo ku qeylinayay Erayo ay kamid yihiin “Doonimeyno Qoorqoor iyo kuwo kale”.
Qaar kamid ah dadkii ka hadlay Banaanbaxa ka dhacay Caabudwaaq ayaa Madaxweyne Qoorqoor ku eedeeyay inuu hurinayo dagaal beeleedyo ay sheegeen inuu ka dhacay deegaano ku yaalla Waqooyiga Gobolka Galgaduud.
Si kastaba Magaalada Cabudwaaq ayaa waxaa ay aheyd Magaaladii ugu taageerada badneyd xiligii uu Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor lagu doortay Magaalada Dhuusamareeb.