Waxaa saakay Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo ka socda banaanbax xoogan oo ay dhigayaan dadka deegaanka, iyagoona uga soo horjeeda dhibtada ay wadaan Ciidanka dowladda Kenya ee howlgala Gobolkaas.
Dadweyne farabadan oo careysan ayaa isugu baxay waddooyinka waaweyn ee Garbahaarey, waxaana banaanbaxooda ay uga soo horjeedan falkii Ciidanka Kenya maalmo kahor ay ka geysteen deegaanka Yaaddo ee duleedka Ceel-waaq.
Sidoo kale banaanbaxayaasha ayaa lagu soo warrramayaa inay ku qeylinayaan Erayo ka dhan ah Ciidamada Kenya, waxaana qaarkood ka dalbadeen dowladda Soomaaliya in Ciidankaas laga saaro Gobolka.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in gebi ahaan ay xiran yihiin goobaha Ganacsiga Magaalada Garbahaarey, isla markaana dadka ay ka qeyb qaadanayaan banaanbaxa ballaaran ee ka socda Magaalada.
Shalay ayaa waxaa inta badan Degmooyinka Gobolka Gedo sida  Baardheere, Beled-Xaawo, Ceelwaaq iyo meelo kale oo ka tirsan Gobolkaas ka dhacay Dibad-baxayo ballaaran oo looga horjeeday tacadiyo ay dadka shacab ah u geysteen Ciidanka Kenya.
Dad shacab ah oo waxba galabsan ayaa si bareer ah loogu dilay deegaanka Yaaddo ee duleedka Ceel-waaq, halka afar qof kalena ay Ciidanka Kenya afduubteen oo mid kamid ah Meydkiisa la helay, waxaana Kenyaatiga ay dhibaatooyin dhowr ah ka geysteen Gedo.