Wadayaasha gaadiidka dadweynaha qaada ee BL-ka ayaa saakay dhigaya banaanbax ay uga cabanayaan lacago fara badan oo sida ay sheegeen ay ku soo rogtay dowladda fedraalka Somalia.
Boqolaal ka mid ah wadayaasha gaadiidka BL-ka ayaa ku dhawaaqay shaqo joojin iyada oo ay iskugu soo baxeen Isgooyska Afarta Jardiino ee magaalada Muqdisho,iyada oo ay xireen qeyb ka mid wadadaas oo muhiim u ah isu socodka.
Xirnaashaha wadooyinka iyo lacag 100-kun oo shiln Somali ah oo lagu soo rogay ayay tilmaameen in ay aad uga xunyihiin isla markaana aysan bixin karin waxaana ay baaq u direen dowladda fedraalka Soomaaliya.