Garoonka Kubbadda Cagta ee Banaadir Studium waxaa iminka ka socda dibadbax lagu taageerayo Dowladda Federaalka Soomaaliya kas oo ay dhigayaan Shacabka ku nool degmooyinka Gobolkaan banaadir.
Boqolaal dadweyne ah oo ka kala yimid degmooyinka Gobolkaan Banaadir,waxaana dibadbaxayaasha ay wataan Calamo ay ku sawiran yihiin  Madaxda ugu sareysa dalka Soomaaliya.
Boqolkii Maalmood oo ay jirtay xukuumadda Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi (Farmaajo) ayaa Shacabka soomaaliyeed u arkaan in uu waxbadan qabtay,waxana taasi ay Shacabka uga jawaabeen in ay dibadbax ku taageeraan.
Wadooyinka degmooyin ka tirsan Gobolkaan Banaadir ayaa xiran sida C/Casiis,Shibis iyo Boondheere ee Gobolkaan Banaadir waxana lagu arkayaa ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo amaanka xaqiijinaya.