Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa gelinkii dambe ee shalay waxaa ka dhacay banaanbax ballaaran oo lagu taageerayay Doorashadii Madaxweyaha Cusub ee Hirshabeelle iyo ku-xigeenkiisa oo ka dhacday Jowhar.
Dadweyne farabadan oo isugu jiray Haween, dhalinyaro iyo Odayaal ayaa isugu soo baxay bartamaha Magaalada, iyagoona ahaa kuwo taageerayay Doorashada Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe iyo ku-xigeenkiisa Yuusuf Daba-geed.
Banaanbaxayaasha ayaa watay boorar ay ku xar-dhan yihiin Sawiradda Madaxweynaha Cusub ee Hirshabeelle Cali Guudlaawe, waxaana ay ku qeylinayeen erayo ay ku taageersan yihiin Doorashadii ka dhacay arbacadii lasoo dhaafay Magaalada Jowhar.
Qaar kamid ah dadkii banaanbaxa ka dhigayay degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe oo la hadlay warbaahinta ayaa Cali Guudlaawe ugu hambalyeeyay xilka Cusub ee loo doortay, iyagoona sheegay inay soo dhaweynayan Doorashadiisa.
Inta badan degmooyinka Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ka dhacay banaanbaxyo lagu taageerayay Doorashada Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe iyo ku-xigeenkiisa Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed.