Xoghayahii Guud ee hore ee QM, Ban Ki-moon oo u dhashay dalka Koonfurta Kuurya ayaa maanta sheegay inuusan ku tala jirin inuu u tartamo Xilka Madaxweynaha.
Siyaasigaasi oo 72 jir ah waxa uu bishii hore ku laabtay dalkiisa hooyo, waxayna Warbaahintu sheegtay inuu indhaha ku hayo inuu u tartamo Hoggaaminka dalka Koonfurta Kuurya.
Ban Ki-moon marnaba kama biirin Xisbi Siyaasadeed, wuxuuna horey u ahaa Wasiirkii Arrimaha dibedda ee dalka Koonfurta Kuurya sannadihii 2004-tii ilaa 2006-dii.
Waxa uu xilka Xoghayaha Guud ee QM  hayey laga bilaabo bishii January ee sannadkii 2007-dii ilaa bishii December ee 2016-kii.
©Radio Dalsan