Waxaa Caawa kooxo hubeysan ay weerar ku qaadeen fariisin Ciidamada dowlada Soomaaliya ay ku leeyihiin gudaha degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir.
Weerarka ayaa waxaa loo adeegsaday Bam gacmeed lagu tuuray Fariisin Ciidanka Booliska ay ku leeyihiin Afaafka hore ee Masjidka Xaaji Yabarow ee ku yaalla degmada Boondheere,waxaana ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Idaacadda Dalsan ee Muqdisho ayaa waxa ay u sheegeen in weerarka uu ku dhintay Darawal Mooto Bajaajle ahaa oo xiliga falka uu dhacayay goobta marayay,halka 2 ruux kalena oo shacab ahaa ay ku dhaawacmeen.
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa weerarka kadib furay rasaas xoogan,iyadoona durbo goobta ay si deg deg ah uga baxsadeen ragii ka dambeeyay falkaasi .
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa xiliyada habeenkii qaarkood ka dhaca weeraro kala duwan oo lagu qaado Fariisimaha Ciidamada dowlada ay ku leeyihiin Isgoysyada ku yaalla Gobolka Banaadir,kuwaasi oo geystay khasaarooyin kala duwan.