Bahda Waxbarashada Dugsiyada Gobolka Banaadir ayaa war Murtiyeed kasoo saaray shir u socday muddo seddex maalmood ah, waxaana ay sheegeen in ay ka xun yihiin tallabada ay qaadday Wasaaradda waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddanayd qaabka ay u saxeen Imtixaankii Shahaadiga ahaa dugsiyada Sare ee Dalka.
War- murtiyeedka ayaa lagu sheegay in ay Bahda Waxbarashada Dugsiyada Gobolka Banaadir aysan u dul qaadan doonin hadalada kasoo yeeraya madaxda dowladda eek u aaddan in Ardayda Imtixaabka ku dhacday ay maandooriye iyo Baraha bulshada ay ku mashquuleen taasi oo keentay in ay ku dhacaan Imtixaanka dugsiga sare ee wasaaradda Waxbarashada.
Waxaa ay soo dhaweeyeen in dowladdu qaaddo imtixaan midaysan oo dalka oo dhan si rasmi ah looga galayo, balse waxaa ay sheegeen in ay jiraan wax is daba-marin iyo habka loo qaadayo Imtixaanka oo aan ahayn hab wanaagsan.
Waxaa ay sheegeen Bahda Waxbarashada Dugsiyada Gobolka Banaadir in ay dhaliilsan yihiin Natiijada kasoo baxday Imtixaanka Dowladda, aysana u qalmin ardayda wax ka barata Gobolka Banaadir oo sida wasaaraddu sheegtay ah ardayda ugu badan ee ku dhacay Imtixaankii dhawaan la shaciyay.
Qodobada kasoo baxay war-murtiyeedka ayaa ahaa:
1-In Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi farmaajo uu soo faragaliyo arrintan, uuna guddi u xilsaaro.
2- in wasaaraddu ay aqbasho dhaliilaha loo soo jeediyay ayna  garowsato qaladka ay galeen.
3- in raali galin ay ka bixyaan Mas’uuliyiintii sheegay in ardayda Gobolka banadir Sababta ay u dhaceen ay ahayd isticmaalka Maandooriyaha taabuuga iyo ku mashquulidda Baraha Bulshada iyo Goobaha Waxbarashada ee ay ku tilmaameen kuwo u furan ganacsi ahaan.