Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalka Uganda ayaa baaritaano ku haysa Saraakiil Bolis, Qareeno iyo Saraakiil ka tirsan Waaxda Socdaalka ee dalkaasi, kuwaasi oo lala xiriirinayo inay Shisheeyaha si suuq madow ah uga iibiyaan Baasaboorka iypo Waraaqaha Muwaadinnimadda ee Uganda.
Ilo dhinaca Ammaanka ayaa u sheegay Wargeyska The Monitor inay Shaqsiyaadkaasi ka taageeraan Shisheeyaha Lacagaha badan la yimaada Uganda ee doonaya inay sameeyaan Ganacsi, iyagoo aan haysanin Fasaxa Shaqo.
Taliyaha Kontoroolka Waaxda Socdaalka ee dalkaasi, Anthony Namara ayaa u xaqiijiyey Wargeyska The Monitor inay socdaan Baaritaano, lana soo bandhigi doono Warbixinta marka la soo dhamaystiro.
Ilaha dhinaca Ammaanka ayaa sheegay in baaritaanka lala beegsanayo xeelladaha Qaxootiga aan la tuhunsanayn ee haysta Ballamaddala xiriira inay heli doonaan Baasaboorka iyo Waraaqaha Aqoonsiga ee Uganda.
Taliyaha Kontoroolka Waaxda Socdaalka ee dalkaasi, Anthony Namara waxa uu xusay in Qaxootiga baaritaanadda ku socdaan  ku jiraan Somali, Eritrean, Burundian, Rwanda iyo kuwo u dhashay dalka Kongo.
Wargeyska The Monitor ayaa sii qoray in Baasaboorka Uganda looga iibiyo dadka Shisheeyaha Kharaj u dhexeeyo 4 million ilaa 6 million ee Shillinka laga isticmaalo dalkaasi.
Si kastaba ha ahaatee, Guddiga Kontoroolka Baasaboorka Uganda waxay sheegeen sannadkii 2013-kii in ku-dhawaad 200 Baasabooradda Diplomaasiyiinta laga waayey Qolkii ay ku jireen oo ku yaalla Dhismaha Waaxda Socdaalka ee dalkaasi.
©Radio Dalsan