Kadib mudo ay fasax ku jireen mudanayaasha Baarlaamnka Soomaaliya ayaa Maalinta Berito oo Isniin ah waxa ay yeelan doonaan kulankooda Caadiga ah kaas oo ay uga hadli doonan labada Ajande.
Ajendayasha Maalinta Berito ah ay uga hadli doonaan Mudanayasha Baarlamanka Soomaaliya ayaa Warar an helnay waxa ay sheegayaan in ay noqon doonaan Wax ka badalka Xeer-hoosaadka Golaha iyo sidoo kale Heshiiskii Dekada Berbera ee Shirkadda DP World.
Kulanka Beri oo ah kulankii ugu horeeyay ee Kalfahdiga 3aad ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Berito xildhibaanada lagu wargeliyay in ay soo xaadiraan waqtiga loogu talo galay,waxaana inta badan diirada lagu saari doonaa Heshiiskii Saddex geesoodka ahaa ee Dekada Berbera.
Kal-fadhiga 3aad ee Baarlaamanka Soomaaliya ayaa shalay waxaa furay Madaxweynaha Soomaaliya,waxana Xildhibaanada horyaalla Ajendayaal dhowr ah oo u baahan in ay meel mariyaan.