Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Arbaco ah waxa ay Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho ku yeelaan doonaan kulankoodii caadiga ahaa.
Ajendaha kulanka Maanta ayaa ah Akhrinta Koowaad ee Hindise Sharciyeedka Maamulka iyo Maaliyadda (PFM)
Xildhibaanada ayaa lagu wargeliyay in Kulanka Maanta ay soo xaadiraan,waxaana la filayaa in uu hortago Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabiraxman Ducaale Beyle.
Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in uu kulanka furmo,waxaana Baarlamaanka weli horyaalla Hindise Sharciyeedyo kale kuwaas oo dhamaantood Baarlamaanka la horgeyn doono.