Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay Qoondada miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2025.
Xildhibaanada ayaa cod gaacantaag ah ku ansixiyay miisaaniyadda oo gaaraysa $1,359,714,328.
waxaana ogolaatay in la ansixiyo 172-Xildhibaan, laba Xildhibaan ayaa diiday, hal Xildhibaanna waa uu ka aamusay.