Xildhibaanada labada Golle ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo sabti ah waxaa la filayaa in kulan aan caadi aheyn ku yeeshaan Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.
Ajendaha kulanka Xildhibaanada ayaa waxaa uu yahay u Codeynta Heshiiska siyaasadeed ee Jihaynta Doorashada 2020/2021 ee dhawaan gaareen Madaxweyne Farmaajo, Madaxda maamul Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa xalay waxaa lagu wargeliyay inuu jiro kulan wadajir ah, isla markaana mudanayaasha laga doonayo inay kasoo qeyb galaan kulanka, maadaama uu yahay mid xasaasi ah.
Waa kulankii ugu horreeyay ay muddo kadib si wadajir ah u yeelanayaan Xildhibaanada labada Golle ee Baarlamaanka, kadib markii xal buuxa laga gaaray Khilaaf xoogan oo mudooyinkii dame ka dhex jiray Guddoonka Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare.
Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho ayaa haatan waxaa ka socda diyaar garoowgii ugu dambeeyay ee uu ku furmayo kulankaas, waxaana Xarunta kusii qul-qulaya Xildhibaanada, si ay uga qeyb galaan kulanka.