Guddiga Arrimaha Gudaha, Dawladaha Hoose iyo hor-marinta reer miyiga ee Golaha Wakiillada Puntland ayaa kulan xarunta Golaha Wakiillada kulan kula qaatay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyadda Maamulkaas Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad.
Wasiir Maxamed  Dhabancad ayaa ka warbixiyey shaqooyinka Wasaaradda, qorshayaasha degsan, waxyaabaha u qaab-soomay June illa September 2020 iyo weliba caqabadaha jira,
Sidoo kale xubnaha Guddiga ayaa su’aalo ka weydiiyay Wasiirka arrimaha uu ka hadlay, isla markaana Guddiga Baarlamaanka inay ka howl geli doonaan sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha ka jira Wasaaradda ayna doorkooda ka qaadanayaan.
Kulanka Guddiga Arrimaha Gudaha, Dawladaha Hoose iyo hor-marinta reer miyiga ee Golaha Wakiillada DPL ay la qaateen Wasiirka Wasaaradda ayaa qeyb ka ah shaqooyinka Golaha Wakiillada DPL ee la socoshada Hay’adaha fulinta dalka.