Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa waxaa Maanta waxaa kulan ku yeeshayGuddiga Joogta Golaha Wakiillada dowlad Goboleedka Puntland.
Kulanka ayaa waxaa shir-guddoomiyey Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibril, waxaana innta uu socday looga hadlay cabashooyinka Canshuuraha ganacstada yar-yar ee kabarlayda Suuqa Garoowe.
Qoraal cabasho ah oo ay ganacstada yar-yar ee Kabarlayda Garowe u soo gudbiyeen Golaha Wakiillada Puntland, ayaa waxaa ay cabasho uga muujiyeen canshuuro dheeri ah oo maamulka degmada Garoowe ku soo rogeen ganacstada.
Dood iyo falan-qeen dheer ka dib waxay Guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiillada Puntland isku raaceen in loo yeero cida ay quseyso si looga gaaro go’aan waxa uu sharcigu ka qabo.