Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Puntland ayaa Maanta Magaalada Garoowe ku yeeshay Fadhiga 9-aad ee Kalfadhiga 47-aad ee Baarlamaanka oo uu shir guddoomiyay Guddoomiye Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.
Maalintii 2aad ayay Xildhibaanada Golaha Wakiillada DPL qodob-qodob uga doodeen Xeerka Dugsiyada Qur’aanka Kariimka ah ee Puntland, iyagoo ugu dambeyntiina cod gacan-taag ah ku ogolaadeen 39 Xildhibaan, halka 1 Xildhibaana uu diiday iyo  4 Mudane oo ka aamusay.
Xeerka Dugsiyada Qur’aanka Kariimka ah ee Puntland oo Golaha Wakiillada DPL ay u soo gudbisay Xukumadda, gaar ahaan Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Dastuurka iyo Dhaqanka-celinta Puntland ayaa ka kooban 37 Qodob, waxa ayna ujeeddadiisu tahay tayeynta & kor u qaadista Qur’aanka Kariimka iyo barayaasha dhigaya, sidoo kalena dhiirigelinaya ku dhaqanka Diinta Islaamka, Caqiidada toosan iyo Anshaxa wanaagsan.
Xeerka Dugsiyada Qur’aanka Kariimka ah ee Puntland ayaa kaalin wanaagsan ka qaadanaya ilaalinta xuquuqda Dugsiyada Puntland.