Magaalada Kismaayo ayaa Maanta waxaa kulan ku yeeshay Xildhibaanada Baarlamaanka labaad ee dowlad Goboleedka Jubbaland, waxaana shir guddoomiyay kulanka Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulkaas Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan.
Ajendaha kulanka Xildhibaanada ayaa waxaa uu ahaa ansixinta codsi uga yimid Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, kaasi oo ah in muddo kordhin loo sameeyo xilliga uu ku soo dhisayo Golaha Wasiirada Cusub.
Xildhibaanada Jubbaland ayaa Cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Codsiga Axmed Madoobe, waxaana ogolaatay 48 Xildhibaan laba Xildhibaan ayaa diiday, halna waa uu ka aamusay.
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa lagu wadaa inuu soo magacaabo Golihiisa Wasiirada, waxaana loo kordhiyay xilliga uu ku soo dhisayo Golaha Wasiirada.