Magaalladda Gaalkacayo waxay maanta u ahayd maalin Nabadeed, waxayna ka nasteen dayaankii madaafiicda, barakaca iyo cabsidii dagaalka.
Waana Ilaahay mahadiisa, haddii ay xaalladdu deggan tahay, isla markaana ay Madaxda Maamulladda Puntland iyo Galmudug mabda’ ahaan oggolaadeen Heshiiska Nabadda, illayn dantu waxay ku jirtaa Nabad iyo Deganaansho.
Magaalladda Gaalkacayo waxaa xalay ilaa maanta dadaal waday Madax ka tirsan Dowladda Federalka, kuwaasi oo ah Guddi uu Ra’isul-wasaare Sharmarke u idmaday inay dhexdhexaadiyaan Labada Maamul iyo in Reer Gaalkacayo ku noolaadaan Nabad iyo Walaaltinimo.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowladda Somalia, C/raxmaan Maxamed Xuseen, Wasiiru-dowlaha Madaxtooyadda, Mahad Maxamed Salaad, Taliyaha Ciiddanka XDS, Xildhibaano iyo Aqoonyahano kale ayaana ku sugan Gaalkacayo, kuwaasi oo Kulamo Nabadeed la qaatay Madaxda Puntland iyo Galmudug.
La-tashiyadda haatan socda ayaa waxaa ka muuqata Ifafaalo Nabadeed iyo in Isfaham laga gaaro Khilaafka taagan, si loo soo celiyo Ammaanka Gaalkacayo.
Madaxweynaha Puntland, C/weli Gaas waxa uu maanta soo saaray War-saxaafadeed uu ku taageeray Dadaalka Dowladda Federalka ee ku aadan Xal-u-helista Xaalladda Gaalkacayo.
Majmaca Culumaa’udiinka ayaa iyagana Kulan ku yeeshay magaalladda Garowe, waxayna ka soo saareen Baaq ku aadan Joojinta Colaadda Gaalkacayo.
Mashaa’iqda oo iyagu ah Marjaca Ummadda, waxay ka kala yimaadeen magaallooyinka Muqdisho, Garowe, Bosaaso iyo Burco, waxayna Farriin Nabadeed u direen Dhinacyadda ku dagaalamay Gaalkacayo.
Qoddobka Xabbad-joojinta ayaana muhiim u ah Xal-u-raadinta Khilaafka, waayo waxaa la wada hadli karaa marka uu jiro Jawi Deggan, isla markaana uusan Weer ku dhex jirin Bulshadda.
Markaynu isku soo duubno, waa lagu wada faraxsan yahay Nabadda Gaalkacayo, waxaana Ilaahay ka baryeynaa inuu u adkeeyo Ammaanka, iskuna soo duma Quluubtooda, illayn Nabadaa Naas la nuugo leh.
© Radio Dalsan