Magaalada Raaso ee dowladd deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa ka dhacay dagaal xoogan oo u dhexeeyay laba Maleeshiyo beeleed, kaasi oo geystay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Dagaalkaas ka dhacay Raaso ayaa waxaa lasoo sheegayaa inuu salka ku haayo arrimo la xiriira dhul-daaqsimeedyo, waxaana inta uu socday dagaalka lagu dilay dad ay ku jireen Haween iyo Caruur oo kamid ahaa dadka deegaanka.
Odayaasha dhaqanka Magaalada Muqdisho oo warbaahinta la hadlay ayaa si Cambaareeyay Colaada kasoo cosboonaatay Magaalada Raaso ee dhexmartay beelo Soomaaliyeed oo halkaas wada-dega.
Odayaasha dhaqanka ayaa sheegay in ay ka xun yihiin dagaalkaas lagu laayay dad shacab ah, iyagoona ku baaqay in si Deg Deg ah loo joojiyo dagaalka, sidoo kalena tacsi u diray dadkii halkaas lagu dilay.
Ugu dambeyn Odayaasha ayaa Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar Cagjar ugu baaqay inuu ka shaqeeyo nabada, isla markaana laga kala dhex-galo Maleeshiyaadka dagaalamaya.