Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa gelinkii dambe ee shalay gaaray Magaalada Dhoobleey ee Gobolka Jubbada Hoose, waxaana halkaas kusoo dhaweeyay Saraakiil Ciidan.
Axmed Madoobe ayaa kulan la qaatay Saraakiisha Ciidanka Daraawiishta ee Jubbaland ee ku sugan Dhoobleey, isagoona ka xog-wareystay xaaladihii ugu dambeeyay ee Gobolka iyo arrimo kale oo xiriira dhanka howlgalada Ciidamada.
Sidoo kale Axmed Madoobe ayaa waxaa uu Saraakiisha Ciidanka Jubbaland uu u sheegay inay dardar-geliyaan howlgalada ka dhan ah Al-shabaab ee socda Gobolka, isla markaana ay shabaab ka saraan deegaanada ay gacanta ku hayaan.
Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu Magaalada dhoobleey ku tegay diyaarad nooca Helikopterka, waxaana safarkiisa ku wehlinayay Saraakiil Sar sare oo katirsan maamulkiisa.
Axmed Madoobe ayaa inta uu ku sugan yahay halkaas ayaa waxaa uu booqan doonaa Saldhigyada Ciidamada, wuxuuna sidoo kale kulamo kale la qaadan doonaa bulshada halkaas ku dhaqan.