Duhurnimadii Maanta ayaa waxaa sida qorshuhu ahaa Magaalada Kismaayo kulan ku yeeshay qaar ka mid ah xildhibaanada Jubbaland iyo Madaxweyne Axmed Madoobe.
Kulankan ayaa daba joogay kadib xiisad Siyaasadeed oo ka taagan Magaalada Kismaayo taas oo ka dhalatay khilaaf soo kala dhexgalay xildhibaanada Jubbaland iyo Axmed Madoobe.
Wararka ay heshay Dalsan ayaa waxa ay sheegayaan in kastoo Saxaafadu ay dibad joog ka aheyd in Xildhibaanada lagu wargeliyay in ilaa amar dambe aysan ka bixi Karin Magaalada Kismaayo.
Tallaabadaan ayaa la sheegay in lagu wargeliyay Maamulka Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo iyo taliska Nabad-Sugida Jubbaland in tiro xildhibaano ah aysan Garoonka ka dhoofi Karin sigaar ah kuwo looga shakiyay in ay mooshin wadeen.
In kastoo xaalada Magaalada Kismaayo oo xalay ilaa shalay kacsaneyd ay iminka degan tahay hadana lama oga waxyaabaha ay ka bedeli karto tallaabadaan xayiraad lagu saaray xildhibaanada qaar ee Maamulka Jubbaland.