Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo ku sugan Magaalada Boosaaso ayaa waxaa uu ka hadlay Khilaafka u dhexeeya dowladda Federaalka iyo Madaxda maamul Goboleedyada dalka ka jira.
Waxaa uu sheegay Axmed Madoobe in Mas’uuliyada dalka la kala leeyaha ayna jirto dowlad Federaal ah iyo dowlad Goboleedyo xubno ka ah dowladda, isagoona sheegay in labada dhinac ay mas’uuliyad ka saran tahay dalka.
Isaga oo sii hadlaayay Axmed Madoobe ayaa waxaa uu Madaxda dowladda ugu baaqay inay wadashi la yeeshaan Madaxda maamul Goboleedya, isla markaana la xaliyo Khilaafka jira si loo yeesho wadashaqeyn.
Axmed Madoobe ayaa waxaa uu tilmaamay in Mas’uul kasta loo baahan yahay in lagu ixtiraamo xilka uu haayo, isla markaana wadashi dhab ah yeeshaan dowladda Federaalka iyo Maamulada dalka.
Si kastaba maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa waxaa uu khilaaf xoogan uu ka dhexeeyaa Dowladda, waxaana dhowr jeer Madaxda maamulkaas ay eedeeym u jeediyeen Madaxda dowladda Federaalka.