Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, ayaa shir gudoomiyey kulanka Golaha Wasiiradda oo maanta lagaga hadlay qodobo kala duwan.
Madaxweynaha ayaa ugu horayn golaha uga warbixiyey xaaladda amaanka xili ciidamadda ay ku howlanyihiin sugida amniga deegaanada Jubbaland, iyadoo Madaxweynahu uu ku amaanay Ciidaamada sida ay diyaarka ugu yihiin badbaadinta iyo ilaalinta shacabka xili dalka uu doorasho ku jiro.
Dhinaca kale Madaxweynahu wuxuu golaha warbixin ka siiyay doorashooyinka kasocda guud ahaan dalka iyo si gaar ah Jubbaland isagoo sheegay in ay socdaan dadaalo kala duwan oo ku aadan sidii losoo dhameeystiri lahaa xubnaha xildhibaanada dhiman ee deegaan doorashadoodu tahay Jubaland.
Intaa kadib Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Jubaland ayaa ka warbixiyey xaaladda abaaraha oo kasii daraysa iyo xiriirinta howlaha Gargaarka
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Wasaaradda ay isbuucydan soo socda gurmad gaarsiin doonto qoysas gaaraya (97,000) sagaashan iyo todobo kun oo qoys oo isugu jira raashin iyo lacag Iyadoo todobaadkana ay wasaaradda qaabili doonto wafuud calami ah, Wasiirka waxa uu sheegay in aalada fogaan araga uu ka qayb gali doono madasha arrimaha bini’aadanimada Midwoga Yurub halkaa oo uu kaga warbixin doono arimaha abaaraha ee kajira deegaanada Jubaland.