Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa Maanta Khudbad ka jeediyay kulan ay yeesheen Guddiga Joogtada ah ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa marka hore ka hadlay dib u doorashiisii sanad kahor, waxaana uu sheegay in marar badan ay Dowladda Federaalka iyo Beesha Caalamka kala hadleen doorashadii uu kusoo baxay, ayna ka dalbadeen in labada dhinac ay soo dirsadaan Ergo goobjoog ka ahaata Doorashadii Kismaayo, balse ay diideen.
Waxaa uu sheegay Axmed Madoobe in la wada ogyaha dhibaatadii mudda hal-sanno aheyd ee ka dhalatay Khilaafka u dhexeeyay Dowladda Federaalka iyo Jubbaland, isagoo sheegay in arrintaas ay sababta in Muqdisho uu ka maqnaado tan iyo Doorashadii dalka.
â€Magaalada Muqdisho waxaa iigu dambeysay doorashadii ka hor bishi ka dambeysay dhufeys baan ku jiray oo waxaa is lahaa bal dowladda iyo cidii laguusoo diro iska celi†ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland.
Isaga oo sii hadlaayay Axmed Madoobe ayaa waxaa uu shaaciyay in marnaba uusan diidin dowladnimada, balse Maamulkiisa ay doonayeen in Dowladda qaado tallaabo Dastuurka ogol yahay.
â€Marnaba ma aanan diidin Dowladda balse doodeydu waxay ahayd dowladdu waxa dastuurku siinayo ha qaadato wuxuu nasiinayana aan qaadannoâ€ayuu hadalkiisa kusoo gaba-gabeeyay Madaxweynaha.
Ugu dambeyn Axmed Madoobe ayaa waxaa uu tilmaamay in Shirkii Dhuusamareeb 3 lasoo xiray markii la ogaaday in isaga iyo Madaxweynaha Puntland ka qeyb galayaan shirka, isla markaana uu dhacay Khalalad badan, hayeeshee waxaa uu Carabka ku dhuftay in haatan heshiis rasmi ah la gaari doono.