Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa Maanta aalada ZOOM-ka uga qeyb galay shirka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka uga socda Garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa shirka ka jeediyay khudbad uu uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, Arrimaha doorashada Soomaaliya iyo Khilaafka Cusub ee soo kala dhex-galay dowladda iyo Jubbaland ee Gobolka Gedo.
Waxaa uu Madaxweynaha Jubbaland ka dalbaday dowladda Federaalka Soomaaliya inay Ciidankeeda ay kala baxdo Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya oo markii horey dowladda halkaas ku daabushay Ciidamo badan oo ka tirsan Booliska ee Haramcad.
Isaga oo sii hadlaayay Axmed Madoobe ayuu sheegay in Doorashada Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ay Gedo uga dhici karto oo kaliya markii dowladda ay maamulka Gobolkaas gacanta kusoo geliso Jubbaland.
“Marka Puntland doorashada ku qabato labada meel, Hirshabelle, Galmudug iyo Koofur Galbeed ku qabtaan labada meel, Jubbaland hal meel miyay ku qabaneysa, mise dowladda ayaa Gedo xaq u leh inay ka qabato, hala qeexo Jubbaland meesha wax ku qabaneyso, haddii kale qoraal soo saarna waanu la wareegnay dhaha Gedo, idinkoo sababeynaya” ayuu yiri Axmed Madoobe.
Hadalkaan Madaxweynaha Jubbaland ayaa kusoo aadaya, iyadoo Maanta Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni uu dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay in Ciidankeeda ay Gobolk Gedo kala baxdo, si ay uga dhacdo Doorashada.