Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Wafti ballaaran oo uu hoggaaminayey ayaa si diiran loogu soo dhoweeyay Magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.
Madaxweyne Ku-xigeenka oo safar shaqo iyo mid khaas ahba ugu maqnaa dalka debeddiisa, gaar ahaan ahaan qaar kamida wadamada Qaaradda Yurub, waxaa soo dhawayntiisa ka qayb qaatay masuuliyiin kala duwan oo isugu jiray Goleyaasha Puntland  iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa sheegay in socdaalkiisu uu ka bilowday markii hore shirkii maalgashiga Puntland, isla markaana uu dalka Turkiga kaga qayb galay Shirka maalgashiga Turkiga ee Africa, Madaxweyne Karaash waxa uu tilmaamay sidoo kale inuu socdaal shaqo iyo mid khaas ah-ba ku maray dalal kale oo qaaradda Yurub ka tirsan.
Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ka Tacsiyeeyey dadkii ku dhintay waxyeelada Fatahaadda Wabiga Shabeelle, waxaaana uu bogaadiyay dedaalada gurmad ee ay bilaabeen shacabka Puntland.
Magaalada Garoowe iyo deegaano kale oo ka tirsan Puntland ayaa waxaa socda gurmad xoogan oo loo sameeynayo Bulshada Gobolka Hiiraan ee uu saameynta ku yeeshay Fatahaada uu Magaalada Baladweyne ka sameeyay Wabigga Shabeelle.