Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga Maamulka Puntland C/llaahi Cabdi Xirsi ayaa 14-kii bishaan Octoober 2020 kala diray  Guddigii Rugta Ganacsiga Puntland, kuwaasi oo soo shaqeynayay lix sanno, lana doortay sanadkii 2014.
Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Ismaan Karaash oo Maanta Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ku buriyay Warqadii uu Wasiir Cabdullaahi Xirsi ku kala diray guddiga Rugta Ganacsiga Puntland.
Sidoo kale Qoraalka Axmed Karaash ayaa Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Puntland loogu wargeliyay in la joojiyay kala diristii Guddiga Rugta Ganacsiga ilaa iyo inta ay dhamaanayaan Doorashooyinka Soomaaliya.
Guddiga uu horey u kala diray 14-kii bishaan Octoober 2020 Wasiir C/llaahi Cabdi Xirsi ayaa waxaa lagu wargeliyay in shaqadooda ay sii wataan, isla markaana Go’aankaas uu yahay mid kasoo baxay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland.
Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga Puntland C/llaahi Cabdi Xirsi ayaa horey u shaaciyay in Doorashada Guddiga Rugta Ganacsiga Puntland la qaban doono 14-ka bisha soo socota ee November 2020, uuna socdo diyaar garoow.
Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Axmed Karaash.