Garyaqaan C/waaxid C/llaahi Warsame oo ku nool Gobalka Ohio ee dalka Maraykanka ayaa si kulul u naqdiyey Go’aankii ay Xukuumadda Federalka Somalia ka soo saartay Tallaabadii ay Dowladda Ethiopia ugu gacan geliyeen  C/kariim Sheekh Muuse “Qalbi Dhagaxâ€.
Avv. C/waaxid oo Wareysi Khaas ah siiyey Radio Dalsan waxa uu sheegay inuu Go’aankaasi yahay mid qaldan oo ka hor imaanaya Sharciga iyo Jiritaanka Somalia.
“Waa arrin welwel igu abuurtay, isla markaana dad badan oo ila soo hadlay ka walaaceen falkaasi, balse culeys weyn leh†ayuu yiri Garyaqaanka.
Waxa uu tilmaamay inay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul-wasaare Kheyre ku tunteen Sharciga, loona baahan yahay inay ka gar baxaan Ummadda Soomaaliyeed.
Waxa uu ku baaqay in Guddi Sharci-Yaqaano loo saaro Dhacdada Qalbi Dhagax, sida ay Xukuumadda Federalka ugu xad-gudbeen Sharciga iyo go’aankii ay C/kariim Sheekh Muuse “Qalbi Dhagax†ugu gudbiyeen Dowladda Ethiopia.
Garyaqaan C/waaxid C/llaahi Warsame waxa uu gaashaanka ku dhuftay hadalkii ay Xukuumadad Federalka ku sheegeen inay go’aankaasi u cuskadeen Heshiis uu C/kariim Xusen Guuleed la saxiixday Dowladda Ethiopia, wuxuuna xusay inaysan Xukuumadda Federalka qiil u ahayn Heshiiska uu saxiixay C/kariim oo ku aadanaa Heshiis laga gaaray dagaal Beelaha H/gidir iyo Ogaadeenku dhex maray Xuduudka.
“Heshiis ay saxiixaan C/kariim Guuleed, C/weli Gaas ama Somaliland lagama dhigi karo Go’aan Dowladeed, waana wax laga xishoodo†ayuu yiri Garyaqaan C/waaxid C/llaahi Warsame.
Waxa uu intaasi ku daray inay dad badan rumeysan yihiin inay Xukuumadda Federalka god ku sii dhabqiyeen arrinta oo aysan waxba sixin.
Mar wax laga weydiiyey hadalkii ay Xukuumadda Federalka ku sheegtay in Jabhadda ONLF tahay Koox Argagixiso waxa uu Avv. C/waaxid C/llaahi Warsame sheegay inay Jabhadda ONLF tahay Urur Gobanimo-doon la asaasay sannadihii 80-aadkii, iyagoo u halgamaya Xorreynta Dhulka Soomaali Galbeed (Reserved Area) ee ay Ethiopia haysato.
Waxa uu carrabka ku dhuftay inay Beesha Caalamka u aqoonsan yihiin Jabhad Gobanimo-doon ah, iyagoo ka biyo-diiday Ololaha Dowladda Ethiopia ku doonayso in Jabahadad oNLF loo aqoonsado Koox Argagixiso.
“Dowladda Maraykanka waxay ka biyo diideen  codsi ay Dowladda Ethiopia ku doonaysay in Jabhadda ONLF loo aqoonsado Koox Argagixiso†ayuu yiri Garyaqaan C/waaxid C/llaahi Warsame.
Wuxuuna carrabka ku dhuftay inaysan jirin Dowlad u aqoosan Jabahadda ONLF Koox Argagixiso, xitaa dalalka Geeska Afrika, oo ay ka mid tahay Dowladda Kenya.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Garyaqaan C/waaxid C/llaahi Warsame