Ergayga Khaaska ee Ururka Midowga Afrika ugu qaabilsan Arrimaha Somalia iyo Hawlgalka AMISOM, Ambassador Francisco Madeira ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan inay Ciiddanka DFS iyo kuwa Isbahaysiga Caalamiga gacanta ku dhigaan Degmadda Sabiid ee Giobalka Sh/hoose.
Ergayga waxa uu tilmaamay in qabsashadda Deegaanadda Istaraatijiyadda lagu wiiqi karo Dagaalamayaasha Alshabaab, waa sida uu hadalka u dhigay.
Dhinaca kale, Taliyaha Ciiddanka Hawlgalka AMISOM, Tigabu Yilma Wondimhunegn ayaa sheegay in qabsahadda Degmadda Sabiid muujinayso qeyb ka mid ah Fulinta qorshaha Dib-u-eegista Hawlgalka AMISOM