Ergayga Gaarka ee Midowga Afrika ugu qaabilsan Arrimaha Somalia, Ambassador Franciso Madeira ayaa hadalkaasi ka sheegay Kulan 3 maalmood ka socday Muqdisho oo looga hadlayey Khatarta miinooyinka ee IEDs.
Waxa uu tilmaamay si loo yareeyo cabsida miinooyinka ee gudaha Somalia loo baahan yahay in la sii wado Maalgelinta Qalabka Casriga iyo tababar dheeraad oo la siiyo Saraakiisha Ammaanka.
Ergayga Gaarka ee AU-da ee Arrimaha Somalia, waxa uu xusay in waddooyinka waa weyn ee Koonfurta iyo Bartamaha Somalia liitaan, taasina ay keentay inay Dagaalamayaasha Alshabaab sii wadaan inay jidka u galaan AMISOM iyo inay miinooyinka nooca IEDs la beegsadaan Kolonyadda AMISOM iyo kuwa Ciiddanka Ammaanka ee Qaranka Somalia.
Madaxa Xafiiska QM ee Somalia (UNSOS), Hubert Prize ayaa isagana sheegay in hubinta waddooyinka muhiimka ee ay Sahaydu marto keenayso Ammaan looga nabad-geliyo Khatarta miinooyinka IEDs iyo inay hoos u dhigayso Kharajka Gaadiidka Xamuulka iyo Adeegga, Hawlgalka Samafalka Aadminimo iyo Xaqiijinta Kontoroolkooda.
Waxa uu tilmaamay Kharajka sahayda dhulka la marinayo ka kharaj yar tahay marka Diyaarad lagu daabulo xamuul kasta.
Dhinaca kale, Hadal-qoraal oo ka soo baxay Xafiiska Hawlgalka QM ee Somalia (UNSOS) ayaa lagu bidhaamiyey inay dadaal dheeraad sameeyaan AMISOM iyo Saaxiibadda Horumarintaiyo in laga wacyi-geliyo sidii looga hortegi lahaa Miinooyinka noocaas ee ay Dagaalamayaasha Alshabaab doorteen inay u adeegsadaan AMISOM.
©Radio Dalsan