Askari ka tirsan Waaxda Canshuuraha ee degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaaadir ayaa Maanta qof shacab ah waxaa uu si bareer ah ugu dilay Suuqa degmadaasi, kadib markii muran uu soo kala dhex-galay marxuumka iyo Askariga dilka gaystay.
Marxuumka la dilay ayaa lagu Magacaabi jiray Abuukar Sheekh Maxamed Nuuraani kaasi oo ka mid ahaa Ganacsatada Suuqa Xamarweyne ee Gobolkani Banaadir, waxaana dad Goobjoogayaal ah ay sheegeen in Askarigu uu Marxuumka uu u dilay 5 kun oo Shulin Soomaali ah.
Ciidanka ammaanka degmada ayaa gacanta kusoo dhigay Askarigii dilka gaystay,waxaana uu ku xiran yahay Saldhigga sida uu sheegay Taliyaha Saldhigga Degmadaasi oo Warbaahinta la hadlay dilka kadib.
Ehelada Marxuumka la dilay ayaa Dowladda Soomaaliya waxaa ay ka codsadeen in caddaaladda la horgeeyo Askariga dilka gaystay.