Askari katirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa la sheegay in Caawa uu Wiil Bajaajle ah ku dilay Magaalada Muqdisho, waxaana kasoo baxaya warar kala duwan oo ku aaddan dilkaasi loo gaystay Wiilka Bajaajlaha ah.
Dilka ayaa la sheegay in uu ka dhacay isgooyska Bakaaraha, waxaana la sheegay in si Bareer ah uu Askarigu ugu gaystay Wiilka dhalinyarada ah ee watay Mootada Seddex lugooleyda ah ee bajaajta loo yaqaanno.
Goobjoogayaal ayaa sheegaya in dilku uu ka dhacay Isgooyska Bakaaraha, waxaana la sheegay in goobta uu isaga baxsaday Askarigii dilka gaystay.
wararku waxaa ay intaas ku darayaan in goobta uu dilku ka dhacay ay ku sugnaayeen Askar kale, kuwaasi oo aan qaban Askariga la sheegay in uu falka dil ah gaystay, kaasi oo goobta isaga tagay markuu dilay Wiilka dhgallinyarada ah.
Askarta Dowladda ayaa waxaa ay dilal inta badan u gaystaan dhalinyarada ku shaqaysata Moota Bajaajta, waxaana horay xukuunno loogu riday Askar la sheegay in ay si bareer ah u dileen wadayaal Mooto Bajaaj, waxaana sidoo kale jira dhalinyaro ay dileen Askarta dowladda kuwaas oo aan wali caddaalad helin.