Caawa fiidkii rag ku hubeysnaa bastoolado ayaa qeybo kamid ah Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir ku dilay Askari ka tirsanaa Ciidamada dowladda Soomaaliya.
Rag hubneysan ayaa la sheegay in askariga ay ku dhex dileen masaajid uu ku dukanayay xili uu u taagnaa rakcadii ugu dambeysay ee salaadii cishaha,iyagoona rasaas madaxa kaga dhuftay,waxaana rasaastaasi sidoo kale dhaawac uu ka soo gaaray qof kale oo shacab ahaa.
Goobta uu dilka ka dhacay ayaa waxaa ka baxsaday ragii ka dambeeyay dilka asriga,iyagoo horey u qaatay qorigii uu watay Askariga,waxaana masaajidka dhexdiisa laga qaaday meydka Askarigii la dilay.
Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay gaareen goobta uu dilku ka dhacay,waxaana ay ka sameeyen howlgallo lagu baadi goobaayo ragii dilka ka dambeeyay.