Nin ka tirsan Milliteriga Kenya (KDF) ayaa la sheegay inuu saakayto dil-wadareed u geystay qaar ka mid qoyskiisa oo ku sugnaa gurigooda oo ku yaalla Deegaanka Jua Kali ee magaalladda Eldoret ee Galbedka dalkaasi.
Askariga ayaa la sheegay inuu gaari ka soo kaxaystay Sadlhigii uu ka tirsanaa oo ku yaalla Degmadda Gilgil ee Gobalka Nakuru si uu u soo gaaro magaalladda Eldoret, oo ay u dhexeyso masaafo ahaan 195.9 KM.
Abaarihii shantii iyo barkii ee Waaberigii hore ee saakayto oo Talaado ah ayaa la sheegay inuu gaaray Hoygii uu u socday, wuxuuna rasaas huwiyey 3 qof oo ka mid ahaa dadkii degganaa guriga.
Warar kala duwan ayaa waxay ka soo baxayaan dadka uu dilay Askarigaasi, iyadoo mid ka mid ah wararka sheegeen inuu dilay 2 nin oo aadeeradiisa ahaa iyo haweeney iyadana wax ka degganayd guriga.
Balse, warar kale oo goor dhow soo baxay waxay sheegayaan inuu Askariga toogasho ku dilay 3 xubnood oo ka tirsan qoyskiisa, kuwaasi oo lagu kala sheegay Adeerkiisa, Saaxiibtiisa iyo Xaaska Aabihiisa.
Kadib, markii uu Askarigii hubsaday inuu dilay saddexdaasi qof ayaa waxa uu isku dilay hubkii uu watay.
Taliyaha Boliska Galbeedka Eldoret, Zakariya Bitook ayaa sheegay inay baarayaan kiiskaasi, lamana garanayo waxa sababay dilkaasi.
Dhinaca kale, magaalladda Eldoret waxay noqotay meelaha ugu badan ee Kenya ee ay waayadan dambe ka dhacaan falalka is-dilka.
Gabar Ardayad ka ahayd Jaamacadda Moi University ayaa la sheegay inay dhawaan isku daldashay halkaasi, sababo lagu sheegay jacayl daran oo ay u qaaday wiil ay isla dhigan jireen Jaamacadda.
Gabadhaasi waxaa lagu magacaabi jirey Ivy Wangeci, iyadoo Ninka la sheegay inay dartiisa isku daldashay lagu magacaabo Naftali Kimuthi, kaasi oo haatan ku jira gacanta Boliska.