Askarigaasi oo 52-jir ah ayaa la sheegay inuu isku daldalay tuulladda Bukalama ee Degmadda Busia oo ku taal meel ku dhow xuduudka Kenya la wadaagaan Uganda.
Askarigaasi oo la oran jirey รย Joash Ochieng Magar ayaa la sheegay inuu iskiisa isu daldalay, iyadoo lagu waday inuu bishan 12-dii Hawlgab ka noqdo Hawlaha Milliteriga.
Xubno ka tirsan Qoyskiisa ayaa sheegay inuu ka mid ahaa Askarta Kenyanka dhawaan ka soo laabtay Hawlgalka AMISOM ee ay kula dagaalamayeen Alshabaab.
Wargeyska The Standard oo warkan daabacay ayaa qoray in ay Qoyskaasi tilmaameen inuu Askarigaasi si nabad ah ku soo laabtay, balse waxa uu u muuqdayรย inuu qabay dhibaato dhimirka Dhimirka.
Dhinaca kale, Boliska Degmadda Busiya ayaa bilaabay baaritaan ay ku ogaanayaan waxa uu isku daldalayaa Askarigaasi.
Waa Askarigii Labaad ee Is-daldala, iyadoo uu horey isku daldalay mid ka mid ah Askartii Kenyanka ka badbaaday weerarkii ay Alshabaab bartamihii bishii Janaayo ee sannadkan ku qaadeeen Ciiddanka Kenyanka ee ku sugnaa Xeradda Ceel-cadde ee Gobalka Gedo.
รยฉRadio Dalsan